Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si aqlabiyad buuxda ah u cusbooneysiiyay muddada shaqo ee guddiga kormeeraya cunaqabataynta saaran kooxda Alshabaab oo ka dagaallanta Soomaaliya.
Dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay oggolaanshaha go’aankan, kaas oo sii kordhinaya oggolaanshaha baaritaannada maraakiibta badda si loo dhaqan geliyo xayiraadda hubka ee Soomaaliya, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xakameynta qalabka qaraxyada gacanta lagu sameeyo, ilaa 30-ka Nofeembar 2026.
Tallaabooyinka kale ee cunaqabataynta, oo ay ka mid yihiin xayiraadaha safarka, xirista hantida iyo guud ahaan xayiraadda hubka, ayaa weli ah kuwo furan oo aan waqti ku xaddidnayn.
“Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan xubnaha Golaha sida ay si wax ku ool ah uga qeyb qaateen wada-xaajoodyada, taasoo noo suurtagelisay inaan gaari karno go’aan midaysan,” ayuu yiri James Kariuki, ku-simaha wakiilka Ingiriiska ee Qaramada Midoobay.
Boqortooyada UK oo ah dalka hoggaamiya qoraalka arrimaha Soomaaliya ayaa hormuud ka ahayd wadahadallada.
Wuxuu soo dhaweeyay ansixinta go’aanka, isaga oo sheegay in uu xoojinayo dadaallada lagu xaddidayo helitaanka hubka ee kooxda Alshabaab, lagu carqaladeynayo ilaha dhaqaale, isla markaana lagu taageerayo Soomaaliya si ay u horumariso awooddeeda amni.
Alshabaab ayaa muddo ka badan 16 sano wada kacdoon hubeysan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyada oo si joogto ah u beegsaneysa ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta iyo dadka rayidka ah.
Tan iyo dabayaaqadii 2024, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Alshabaab ee gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, iyo kooxda Daacish (ISIS) ee gobolka Bari, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.
Bishii hore, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fuliyay 220 duqeyn oo cirka ah oo bartilmaameed sax ah, kuwaas oo lagu dilay 868 dagaalyahan tan iyo bishii Febraayo.
Hbn Online Tv

