Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu Shir xasaasi ah u furmo 24-ka bishan June si ay uga doodaan xaaladda siyaasadda iyo amniga Soomaaliya. Kalfadhiga waxaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin dhameystiran oo uu jeedinayo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.
Kulankan soo socda ayaa muhiimad gaar ah leh kaasoo lagu gurfeyn doono xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay, gaar ahaan codsigii rasmiga ahaa ee Soomaaliya ee ahaa in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).
Dhanka kale, Soomaaliya oo ku guda jirta tartanka kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa u ololaynaysa in dib loo hagaajiyo wada shaqayntii qaranka iyo Qaramada Midoobay. Mawqifka dawladdu waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda istaraatiijiyadeed ee lagu xoojinayo awoodaha hay’adaha dawladda ee gudaha Soomaaliya.
Si loo helo taageerada Soomaaliya ee ku aadan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa howlo diblomaasiyadeed u aaday dalka Mareykanka. Joogitaankiisa shirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka dhacaya ayaa muujinaya mowqifka firfircoon ee qaranku uu ku raadinayo taageerada caalamiga ah ee hamigiisa ah.
HBN NEWS DESK