Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay mid gogol xaar u ah gogosha siyaasadeed ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka qeyb galay madax sare oo ka kala socota hay’adaha dowladda iyo masuuliyiin kale.
Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga isku Duwidda Gogosha Qaran oo uu guddoomiyo Wasiirka Cadaaladda Xassan Macallin, iyadoo diiradda la saaray qodobbada muhiimka ah ee siyaasadda dalka sida: amniga, dastuurka iyo doorashooyinka.
Wasiir Xasan Macallin oo furitaanka madasha ka hadlay ayaa xusay in“Ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ay xaq u leeyihiin in lagala tashado gogosha uu Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay.”
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad ayaa tilmaamay in shirkan uu fursad siinayo dhinacyada siyaasadeed ee hadda jira, iyadoo mamaulada iyo madaxdii hore ee dalka uu carrababay inay doorkooda ka laga dhageysa doono geeddi-socodka siyaasadeed.
Gogoshaan ayaa taallay muddo ku dhow laba bilood, walina ma cadda goorta ay si rasmi ah u kulmi doonaan dhammaan dhinacyada muhiimka ah si looga wada hadlo khilaafaadka taagan, gaar ahaan arrimaha la xiriira habka doorashada 2026 iyo qodobo kale.
Dowladda hadda jirta ayaa ku adkeysaneysa in aan dib loogu noqon doonin habka doorasho ee lagu qaban jiray teendhada Afisyooni – hab kaas oo dalka doorashooyinkiisa lagu maamulayay tan iyo 2012-kii, taasi bedelkeedana la aadi doono mid qof iyo cod ah. Tani waxay dhalisay muran adag, iyadoo xubnaha mucaaradka qaarkood ku tilmaameen mid hal dhinac ah oo aan la isku waafaqsaneyn.
Inkasta oo qaar ka mid ah madaxda mucaaradka si adag u dhaleeceeyeen dowladda, haddana waxaa muuqata in loo gogol xaarayo shirweyne ballaaran oo heer qaran ah, kaas oo lagu doonayo in lagu gaaro isfaham siyaasadeed iyo heshiis qaran oo doorashooyinka lagu hago.
Dhamaadka todobaadkii ina waydaartay ayaa waxaa Muqdisho ka soo degay xubno badan oo mucaarad dibadda jiray ahaa, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda habka hadda wax u socdaan – Xili ay dadka siyaasadda falanqeeya ka deyriyaan in tani keeni karto ceeb culus oo faraha ka bixi karta, dalkane u horseeda mid jahawareer siyaasadeed.
HBN ONLINE TV