Gobolka Banaadir oo ka hadlay cabashada Gaadiidlayda BL-ka Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka jawaabay cabasho ka timid wadayaasha gaadiidka BL-ka ee Muqdisho, kuwaas oo bannaanbax ka dhigay waddooyin muhiim ah kadib markii lagu soo rogay amar lagu diiwaangelinayo gaadiidkooda. Guddoomiyuhu wuxuu faray gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarka, isagoo sheegay in nidaamkan cusub uu la xiriirayo sugidda amniga guud ee caasimadda.

Muungaab ayaa caddeeyay in gaadiidka BL-ka laga doonayo inay iska diiwaangeliyaan hay’adaha amniga, gaar ahaan Nabad-sugidda, si loo ogaado darawalka, milkiilaha iyo odayga dhaqanka ee damiinka ka ah gaadiidka. Wuxuu tilmaamay in ujeeddadu tahay in aanay magaalada ku socon gaadiid aan sumad iyo diiwaan toona lahayn, si marka dhibaato dhacdo loo helo cidda mas’uulka ka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in aan wax lacag ah laga qaadi doonin wadayaasha ama milkiilayaasha gaadiidka, marka laga reebo khidmadda rasmiga ah ee busteejada oo horey u jirtay.

Wuxuu intaas ku daray in gaadiidka aan u hoggaansamin habraaca diiwaangelinta iyo shuruucda la dejiyay lala tiigsan doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed