Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka bilowday dhaqangalka go’aan ay ku soo rogtay dowladda Soomaaliya, kaasi saameyn ku leh dadka ka dhoofaya iyo kuwa soo galaya dalka.
Dadka ka dhoofaya qeybta safaradda dibedda garoonka Aadan Cadde ayaa la soo wariyey in muddo kooban uu saameyey buuq ka dhashay xubno ka socday dowladda oo qof walba oo baxaya marsiinayey inuu galo baaris caafimaad, ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka ay ku amartay qofkasta uu maro shuruucda la soo saaray.
Bayaanka wasaaradda Caafimaadka oo si gaar ah u saameyn doona safaradda Dibedda ayaa waajib ka dhigaya in qof walba la marsiiyo baarista caafimaad ee cudurada faafa, isagoo qaadan doona buugga badqabka caafimaadka.
Koox caafimaad oo joogta garoonka Muqdisho oo la sheegay in ay wataan talaal ay dadka siinaayaan ayaa ilo xog ogaal ah u sheegeen warbaahinta inay dadka ka qaadayaan sida ay carrabaabeen lacag u dhexeysa 30 ilaa 45 doolar, marka uu qof walba qaato talaalka.
Inkasta oo Wasaaradda caafimaadka aanay ku sheegin bayaankeeda qidmad lacageed, hadana waxaa uu hirgalay go’aanku 1-dii bishaan Febraayo.
Weli kama hadlin arintaan masuuliyiinta wasaaradda Caafiamaadka Soomaaliya oo soo saartay go’aanka ah in dadka la marsiiyo baaris caafimaad.
Isha ku haay HBN ONLNE TV