MuqdishoWar rasmi ah oo aan helnay ayaa xaqiijiyey in magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Digfeer uu ku geeriyooday General Sheegow Axmed Cali oo ahaa Sarkaal muddo u xirnaa dowladda Soomaaliya.
Xubno ka mid ah ehelkiisa ayaa u sheegay HBN ONLINE TV in xanuun ku dhacay intii xabsiga uu ku jiray uu maalmihii la soo dhaafay Isbitaalka u jiifay, ugu dambeynna uu ku geeriyooday.
General Sheegoow ayaa loo xiray iska hor imaad Muqdisho ku dhax maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda, Waxaana qabashadiisa kadib la soo taagay maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday wixii intaas ka dambeeyeyna wuxuu ku jiray Xabsi Muqdisho ku yaalla.
Illaa iminka dowladda Soomaaliya war rasmi ah kama soo saarin geerida General Sheegoow Axmed Cali.
Marxuumka oo sawiradiisa iyo muuqaalo lagu faafiyey todobaadkii aan soo dhaafnay warbaahinta ayaa la sheegay inay la soo daristay xaalad caafimaad oo adag, taasi oo looga soo saaray xabsigii uu jiray.
HBN ONLINE TV