Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Jabuuti ka degay, isaga oo uu soo Jabuuti ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo soo dhaweyn sare u sameeyey.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Madaxtooyada ayaa tilmaantay in socdaalkan uu qeyb ka yahay safarro uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo dalalka deriska ah oo lagu adkeynayo sida hadalka loo dhigay xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya kala dhexeeya, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalka iyo xasilloonida gobolka.
Socdaalka maanta waxaa ka horeeyey safar uu shalay ku tagay caasimadda Itoobiya, isaga oo halkaasi kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed. Waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay ayaa lagu sheegay inay ku jireen iskaashiga dalalka gobolka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
HBN Online Tv

