Gavin Williamson oo caalamka gaar ahaan UK u jeediyay baaq ku aadan Somaliland

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka UK oo booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sheegay “in la joogo xilligii uu Ingiriisku aqoonsan lahaa Somaliland”.

Gavin oo kulan la qaatay madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ammaanay doorashadii dhowaan ka dhacday Somaliland ee uu ku soo baxay.

“Ka dib doorasho xor iyo xalaal ah si ka duwan qaar badan oo deriskeeda ah, hadda waa xilligii UK ay Somaliland u aqoonsan lahayd dal madax-bannaan. Tan aad bay usoo daahday balse hadda waa xilligii lagu dayan lahaa dalalka kale sida Mareykanka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa bishii November ku andacooday in madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu dal madax bannaan u aqoonsado Somaliland, walow warkaasi illaa iyo hadda cid xaqiijisay oo ka tirsan maamulka Trump aanu jirin, mana jirto caddeymo Xildhibaan Williamson uu ku xoojiyay sheegashadiisa.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo hore u soo noqday Xoghayaha Difaaca ee UK, kana mid ah xildhibaannada u ololeeya aqoonsiga Somaliland ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu wada wada hadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka ag dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo uu kala hadlay aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland.

Waxaa xusid mudan in dawlada Mareykanku marar badan ku celcelisay in ay ixtriraamayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana ay ka soo horjeeda wax xadgudub ku ah arinkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed