Galmudug oo soo bandhigtay rag loo heysto dilka Hooyo iyo gabdho ay dhashay Galgaduud

Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigtay saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii Hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, oo dhowaan lagu dilay deegaanka Qaayib ee Galgaduud.

Wasiirka Amniga Galmudug Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, isla markaana si degdeg ah maxkamad loo horgeyn doono.

Dilkan oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aano qabiil ayaa bulshada ku reebay murugo iyo caro weyn, kadib markii si arxan daran loo dilay Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo seddex gabdhood oo ay dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud.

Galmudug ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto howlgallada lagula dagaallamayo dambiyada iyo aanooyinka qabaa’ilka ee gobolkaas ku soo batay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed