Galmudug oo sheegtay in ay sii yaraanayso Saamaynta Al-Shabaab ee maamulkaas

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shikow, ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Al Shabaab uu hadda si weyn uga soo baxay deegaanada Maamulkaasi, isla markaana ay yaraatay saamayntii  deegaannada ay ka heysteen maamulka Galmudug, kuwaas la gaarsiiyay jab xooggan muddooyinkii la soo dhaafay.

Wasiir Shikow ayaa xusay in maamulka Galmudug uu juhdi badan geliyay sidii deegaanada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab looga xoreyn lahaa in ka badan toban sano oo dhibaato ay ku hayeen shacabka reer Galmudug.

“Khawaarijta waa laga saaray inta badan deegaanada Galmudug, kadib markii ay bateen fahamka shacabka ee khatarta argagixisada, ma jirto meel fog oo ay kooxda ku sii xoogeysan karaan” ayuu yiri Shikow.

Sidoo kale, Shikow ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha istiraatijiyadeed ee ka dambeeyay in ciidamada ay dhawaan isaga guuraan deegaanada ku xeeran Xarardheere.

“Ciidankeena ayaa deegaanka Xarardheere ka sameeyay istaraatiijiyad cusub oo ay si dhab ah ugu dagaalami karaan cadowga, waxaana qorsheyneynaa inaan dib ula wareegno deegaanadaasi, maadaama Khawaarijta aysan carqaladeyn karin, jabkoodana waa uu dhow yahay” ayuu yiri Shikow.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa muddo sanad ka badan ka socday deegaannada maamulka Galmudug, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu dhowr jeer booqday deegaannada maamulkaasi si loo dardargeliyo ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed