Galmudug oo mamnuucday in dekeda Hobyo laga soo dejiyo gaadiidka Ciidamada

Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inay mamnuuc tahay oo la joojiyay in dekadda Hobyo laga soo dejiyo ama lagu raro gawaarida nooca Toyota 4WD ee loo yaqaan Cabdibilaha oo ay isticmaalaan ciidamada.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta, 21-ka October 2025, aan la oggolaan doonin in gaadiidkan lagu soo dejiyo dekedda Hobyo, iyadoo amar adag lagu siiyay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada ku lugta leh soo dejinta gaadiidkaas.

Wasaaradda ayaa sheegtay in cid kasta oo isku dayda inay jebiso amarkan lagu tiri doono kuwa la shaqeeya argagixisada iyo dambiilayaasha, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday shirkadaha ganacsiga iyo dadka ku shaqeeya arrimaha dekedda inay si buuxda u fuliyaan amarkan cusub, ayna gacan ka geystaan sugidda amniga guud ee Galmudug.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed