Maamulka Galmudug ayaa amar adag dul dhigay ganacsatada suuqyada deegaannada maamulka, iyadoo ka digtay in la kordhiyo qiimaha badeecadaha horey u soo maray nidaamka canshuuraha.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara dhaqaalaha caalamka.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u fartay ganacsatada gudaha Galmudug in aysan wax kordhin ah ku samayn karin qiimaha badeecadaha hadda yaalla suuqyada maamulka.
Sidoo kale, ganacsatada waxaa looga digay in aysan bulshada ku abuurin sida hadalka loo dhigay sicir barar, xilli ay dadku wajahaan duruufo adag oo ay ka mid yihiin abaaro iyo roob la’aan, isla markaana ay u sii dheer tahay Ramadaan.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay sheegtay inay si dhow ula socon doonto suuqyada, isla markaana laamaha ammaanka iyo maaliyadda lagu amray inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo jebisa amarkan.
HBN ONLINE TV

