Galmudug iyo Puntland oo awaamiir adag ka soo saaray Amniga magaalada Gaalkacyo oo ciidamo gaar ah lagu wareejiyey

Maamullada Puntland iyo Galmudug oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo dhibaato ku ah amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay ciidamo isku dhaf ah oo looga hortagayo dhibaato dambe oo dhacda.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan madaxtooyada Puntland iyo Galmudug oo ay kaabayaan kuwa NISA ayaa carrabaabay in loo xilsaaray sugidda amniga magalada Gaalkacyo oo laba habeen ka hor uu dagaal ka dhacay.

Masuuliyiinta labada maamul oo khudbad u jeediyey ciidamada oo isugu jira Boolis, Milateri & NISA ayaa faray inay tilaabo sharci ah laga qaado cid walba oo isku dayda sida hadalka loo dhigay khalkhal galinta ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Mudug ee Galmudug Gaashaanle dhexe Cali Muuse Maxamuud iyo guddoomiyaasha labada maamul ee gobolka Mudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan iyo Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa sheegay in gacan seddexaad ay khalkhal galineyso amniga magaalada. Ciidamada ayey fareen in waajibkooda ay ka gutaan cidii lagu qabto amniga gobolka ka hortimaada.

Horaantii todobaadkaan magalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimashada hal ruux, iyada oo kaasi oo dadka magaalada ku sheegeeen mid u baahan in si adag uga jawaaabaan Galmudug iyo Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed