Dowladda FS iyo Galmudug oo Caabudwaaq ka bilaabay kulamo xasaasi ah

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo tagay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa kulamo hordhac ah la qaatay waxgaradka deegaanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in uu deegaanka u yimid sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida, isla markaana aysan dowladda federaalka Soomaaliya marnaba ogoleyn inay deegaanka ka dhacaan wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Masuuliyiintan tagay magaalada Caabudwaaq oo ka kala socda DFS iyo Galmudug ayaa u kuur gali doona sidii looga soo aruuri lahaa hub si sharci daro ah gacantooda ku galay, kaasi oo ka soo galay xadka uu dalkeenu la wadaago kan Itoobiya, sida dowladdu sheegtayne ahaa mid dad ka ganacsada ay soo galiyeen dalka.

Kulankaan waxaa Wasiir Fartaag ku wehliyey Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee BFS, Agaasimayaal, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel, si haddii suurtagal tahay dadkaasi looga soo celi lahaa hubkaasi oo horaantii todobaadkan lagu boobay Caabudwaaq.

War saxaafadeed Dowladda dhexe iyo  Galmudug ay ka soo saareen arintan hubka la xariirta waxaa ay si isku mid ah u sheegeen in baaris lagu wado dadkii keenay ayna iska kaasha doonaan dhinacyadu.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda lahaanshiha hubkasi, halka xildhibaano BFS ka tirsan ay ku eedeeyeen in uu u socda Kooxda Alshabaab, balse ma jirto cadeyn rasmi ah oo ay soo bandhigeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed