Galmudug oo amarro adag dul dhigtay ganacsatada xoolaha Ceelbuur ee la macaamisha Alshabaab

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray wareegto amarro adag uu ku soo rogay ganacsatada xoolaha iyo gaadiidleyda la macaamisha kooxda Alshabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wareegtadan oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Amniga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Maxamuud Ciise Galaadi ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab ay bilaabeen sida uu hadalka u dhigay iibinta xoolo ay si xoog ah uga dhaceen shacabka ku nool deegaannada ku xeeran Ceelbuur, iyagoo dhaqaale urursigooda ugu magac daray “Sakawaad”.

Maamulka degmada ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in xoolahaas lagu iibiyo suuqyada deegaanka, isagoo si gaar ah uga digay in lala macaamilo kooxda. Waxa uu maamulka ku goodiyay in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo in ay si toos ah ama dadban ula shaqeyneyso Alshabaab.

Qodobada go’aanka laga gaari doono iyo ciqaabta ka dhalaneysa ayaa lagu sheegay awaamiirta, haddii Gaari lagu qabto isagoo sida xoolo ay kooxda Alshabaab ka qaaday dadka shacabka ah:

1 Xoolaha waa lagala wareejin doonaa.
2 Gaarigaasna Galmudug ayaa la wareegi doonta.

Darawalka ama milkiilaha gaarigaasna waxaa uu muteysan doonaa ciqaab adag.
Dhanka Ganacsatada ku lugta leh iibinta xoolahaas:
1 Xoolaha waa laga wareejin doonaa.
2 Ganacsatadaasna waxaa lagu qaadi doonaa ciqaab sharci ah oo culus.

Maamulka Galmudug wuxuu ku celceliyay in aan la cafin doonin cid kasta oo dhaqaale siisa ama ka ganacsata hantida shacabka oo sida la tilmaamay kooxda Alshabaab xoog ku uruursaneyso, taas oo lagu sheegay mid lagu dhibaateynayo dadka masaakiinta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed