Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray amar ku socda Dadka wata ama leh Gaadiidka aanay ku xirnayn Sumadda loo garan ogyahay Taarikada, waaxan uu faray Dadka kaxeeya ama milkiileyaasha ah ee leh Gawaaridaas in amarada soo baxay ay raacaan.
Qoraalka taliska Booliiska ayaa lagu wargeliyay Darawalada kaxeeya Gaadiidka aan lahayn aqoonsiga in ay ku xiraan ama ku dhajiyaan Taarikada lagu soosaaray gaadiidka, isla markaana u dhammeystiran yahay waxyaabaha looga baahan yahay sida Canshuurta Wasaaradda Gaadiidka.
Sida oo kale Waxaa si gaar ah loogu digniin loo diray milkillashaada iyo howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta sida hadalka loo dhigay in aan “xuduudaha Caasimadda Muqdisho” aan laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj dhulka la soomariyay.
Dhowr jeer ayuu Taliska Booliiska Soomaaliya soo saaray digniin la xiriirta in aan Caasimadda lagu dhex kaxayn Karin Gaadiidka bilaa Sumadda ama taarikada Dowladda ay ku bixiso ku xirneyn, balse ma dhaqangelin.
Shacabka iyo wadayaasha gaadiidka horay cabashooyin uga bixiyey Waddooyinka Qaar ee Magaalada Muqdisho marka la marayo in ay la kulmaan Gaadiid u badan kuwa nooca raaxada ah oo aan ku xirnayn Taariko, qaarkood ay saaranyihiin Rag hubeysan oo ku labisan dharka Ciidanka kuwaa wada marista culeys kala kulmaan.
HBN ONLINE TV

