Kim Yo Jong, oo ah gabadha awoodda badan ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa hanjabaad culus u jeedisay Kuuriyada Koonfureed iyadoo ku eedeysay in ay waraaqo borobogaando ah Sabtidii ku daadisay deegaano ku yaal xadka labada dal, iyadoo sheegtay in Kuuriyada Koonfureed ay ka shallayn doonto falkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo xigatay Kim Yo Jong, oo ah agaasime ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga shaqaalaha ee Kuuriyada Waqooyi, in Kuuriyada Koonfureed ay daadisay warqado kicin siyaasadeed ah oo kala duwan iyo waxaabo qashin iyo wasakh ah ayna Sabtidii ku daadisay gudaha deegaano ku tirsan Kuuriyada Waqooyi oo xadka ku yaal.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalka ceebta iyo wasakhda ah ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ay mar kale ku kacday kuwaasi oo ah falal daandaansi ah, kicin siyaasadeed iyo shirqool ka dhan ah Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee dadka Kuuriya iyada oo aan tixgelineynin digniinaha aan soo saarnay ee ku aadan falalka” ayay tiri Kim Yo Jong.
Hadalkan carada ah ee ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi ayaa ku soo aadayaa iyadoo dhaqdhaqaaqayada Kuuriyada Koonfureed ay buufinno waa wayn oo sida waraaqo borobogaando ah u soo direen dhanka Kuuriyada Waqooyi.
Kim waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ee Kuuriyada Waqooyi ay xireen goobaha laga helay warqadahaasi, islamarkaana ay meesha ka ururiyeen.
HBN Online Tv