Laamaha amaanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay galabta qabteen gaari nuuca raaxada ah oo lagu soo raray Khamri aad u badan, kaasi oo laga keenay dalka Itoobiya.
Boqollaal dhalo oo Khamriga Itoobiya laga soo raray, raggii waday iyo gaarigii ay saarnaayeen ayaa laamaha amniga magaalada guriceel ku qabteen afaafka hore ee magaalada laga soo galo, sid ay inoo xaqjiyeen dad gooboogayaal ah.
Khamriga ayaa la tilmaamay in la doonayey in loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho, kaasi xogtu tilmaamy in uu u rarnaa dad ka ganacsada waxyaabaha maan dooriya, laakiin se soo dhaafi waayey barta hubinta gaadiidka magaalada Guriceel.
Xadka Soomaaliya la wadaagto dalka Itoobiya ayaa dhowr jeer waxaa la sheegay in laga soo gudbiyo waxyaabo sharci daro ah oo isugu jira hub iyo Khamri, kuwaa oo lala xariiriyey in amaanka Dalka lidi ku yihiin.
Bishii luulyo 15-keedii ee sanadkaan gawaari kuwa xamuulka qaada ah oo lagu soo raray hubka aad u bdan, dowladda Soomaaliyana sheegtay inuu ka yimid dalka Itoobiya ayaa waxaa uu gacan galay shacabka magaalada Caabudwaaq ee waqooyi gobolka Galgaduud,kaasi oo sababay dhimashada in ka badan 20 ruuux, mana jirto ilaa hada cid loo soo qabtay.
HBN ONLINE TV

