Dalalka la isku yiraahdo Kooxda toddobada ah ama G7 ayaa maanta sheegay waa sida hadalka loo dhigaye in Ruushku uu yahay “caqabadda keliya ee hortaagan nabad caddaalad ah” oo ka dhacda dalka Ukraine, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.
Bayaanka ayaa lagu soo beegay iyadoo dagaalka Ukraine uu socdo kun maalmood, waxaana hogaamiyayaasha kooxdu ay ku celiyeen ballan-qaadkoodii ahaa inay sii wadi doonaan soo rogida tillaabooyin uu ka shalaayo Ruushka, iyada oo loo marayo cunaqabatayn, xayiraado iyo tallaabooyin kale, waxayna ballan-qaadeen inay Kiev ku taageerayaan wax kasta oo loo baahdo.
“Ruushka ayaa weli ah caqabada kaliya ee hortaagan nabad waarta” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Talyaaniga oo haya xilka madaxtinimada kooxda G7 , isagoo intaa ku daray “Kooxda todobada ah waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay inay culeys dhaqaale ku soo rogaan Ruushka iyada oo loo marayo cunaqabataynta & talaabooyin kale.
Hogaamiyeyaasha G7 waxay xuseen “taageerada hagar la’aanta ah ee ay u hayaan Ukraine” waxayna ku yiraahdeen bayaankooda “Waxaan u taaganahay midnimo waxaanan gacan ka geysaneynaa halganka Ukraine ee madaxbannaanida, xorriyadda, midnimada dhuleed iyo dib u dhiska.”
Talyaanigu waxa uu hayaa hoggaanka wareega ee kooxda G7 ee sanadkan 2024, waxaana ku wehliya xubinimada isbahaysigan Maraykanka, Kanada, Japan, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska.
HBN Online TV