Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta faah faahin dheer ka bixisay cadaadis ay kala kulantay madaxda Soomaaliya oo ku aadan doonisteeda xilka guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo ay muddo raadinsay, waxaana ay bannaanka keentay xogo xasaasi ah oo ku aaddan tartankaas.
Marwo Fowsiya Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa ku eedeeysay in madaxda dowladda Soomaaliya ay u sheegeen in uga taanaasusho tartanka guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika musharaxa Jibuuti ka socda, iyadoo sheegtay in markii hore u muujiyeen taageero xooggan.
Fowsiya oo hadalkeeda sii wadata ayaa daaha ka qaaday in madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare Xamse, ku xigeenkiisa iyo afar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka ay si toos ah ula wadaageen in ay isla garteen in gabi ahaanba ay iskaga harto tartankaas ay ku jirtay, sida ay sheegtay.
Waxay intaas raacisay markii ay weydiisay sababta ay uga hareyso tartanka, waxay sheegtay in ay u sheegeen in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ka codsaday in ay ka harto si uu usoo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf. Fowsiya ayaa carabka ku dhuftay in ay isku dayday inay garnaqsato marka la eego danta Soomaaliya ugu jirto kursiga ugu sareeya Ururka Midowga Afrika, balse ay ku adkeysteen go’aankooda madaxda dowladda.
Sidoo kale waxay ku dooday in madaxda ay weydiisay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliya si ay ugu qanacdo,balse aanan looga jawaabin. Xildhibaan Fowsiya si kulul ugu eedeeysay madaxaweyne Xasan Sheekh in 2016-kii kursigaas uu u sheegay in uu siinayao dowladda Kenya, kaddib markii ay isku soo sharaxday oo ay la wadaagtay, sida ay hadalka u dhigtay.
Si kastaba, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa dadka Soomaaliyeed go’aankeeda ku aaddan arrintaas, iyada oo ku adkeysatay in aysan ka tanaasuli doonin tartanka guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, isla markaan aysan yeeli doonin in dowladda Soomaaliya ay kurisgaas siiso dhiggeeda Jabuuti.
Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxday dawladaha Soomaaliya & Jibuuti oo ku aadan eedeynta ka timid Fawsiya, iyada oo durbaba baraha bulshada si weyn dadku kaga falceliyeen kuwaas oo aad u dhaliilay talaabada ay qaadeen madaxda dalka.
HBN NEWS DESK