Hoggaamiyaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa si rasmi ah u saxeexay dhaqangelinta Dastuurka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wareejisay mas’uuliyaddiisa.
Dastuurka oo lagu dhameystiray 30-kii Luulyo magaalada Laascaanood, ayaa dhigaya qawaaniinta iyo axdiyada lagu maamuli doono deegaanada hoos yimaada maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kuwaas oo inta badan ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag – deegaanadii ay Somaliland horey ugu sheegan jirtay iyo kuwa Puntland ahaa.
Inkasta oo maamulka cusub uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo ka imanaya Somaliland iyo arrimo amni, hadana Hoggaamiye Firdhiye ayaa muujiyay in maamulka Waqooyi Bari yahay mid ku dhisan rabitaanka shacabka, kuna taagan nabadgelyo iyo mabaadi’da midnimada Soomaaliyeed.
“Walaalaha soo bu’aya waxaan leeyahay – waar nabadda ayaa naas la nuugo leh. Colaadda, dagaalka iyo dirirtana hore ayaynu u soo aragnay. Waxa aad u hanqaltaagaysaan ee aad isleedihiin xaqiijiya ma jiri karaan” ayuu yiri Firdhiye, isaga oo si toos ah ula hadlayay dhinacyada siyaasadda ku kala aragti duwan.
Firdhiye waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Somaliland, isaga oo ugu baaqay in ay “nabad qaadato” oo ay joojiso sida uu hadalka u dhigay dagaalka. Wuxuu sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu dhaawacayo sida uu aaminsan yahay midnimada ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana uu maamulka Waqooyi Bari yahay “xarunta is-xirnaanta Soomaaliyeed.”
Maalin ka hor, Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir ku yeeshay magaalada Hargeysa, ayaa si adag uga hor yimid maamulka Waqooyi Bari, iyaga oo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo lagu wiiqayo midnimada Somaliland. War-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Madaxweyne Cirro ayaa si cad u sheegtay in aysan ogolaan doonin wax maamul ah oo ka jira Sool iyo Sanaag, kuwaas oo ay sheegtay inay yihiin qeyb ka mid ah Somaliland, wallow laba sano ka hor laga saaray halkaasi.
Si kastaba, Firdhiye ayaa wacad ku maray in maamulka Waqooyi Bari aanu u taagnayn dagaal, balse uu difaacayo rabitaanka shacabka deegaanka oo doorbiday midnimo Soomaaliyeed.
Fariinta Dowladda Federaalka ee ah in Dastuurka maamulka cusub la dhameystiray, ayaa muujinaya taageero la taaban karo oo dhinaca sharciyeynta ah. Tani waxay sare u qaadaysaa su’aalaha la xiriira – xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa, maadaama ay Dowladda Soomaaliya si toos ah u aqoonsatay maamulka ka soo horjeeda sheegashada Somaliland.
Khilaafka ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag wuxuu maraya meelo cusub.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa wajahaya loolan adag oo ka imanaya Somaliland iyo su’aalo la xiriira aqoonsiga caalamiga ah. Si kastaba, hadallada Firdhiye ee u muuqda kuwo deggan oo nabad-raadis ah, ayaa dhigaya mowqif cusub oo siyaasadeed oo xasilooni raadis ah, inkastoo ay adag tahay in Somaliland aqbasho isbedelkaasi.
HBN ONLINE TV