Fiqi “Taiwan waxay Somaliland u tababartay ciidamo dagaal galay, waana sababta looga mamnuucay Soomaaliya”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta isagoo xilka wareejinaya si faahfaahsan uga hadlay sababta rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ugu mamnuucday Taiwan, isagoo arrinta ku sheegay mid khatar ku ah siyaasadda dalka.

Fiqi ayaa ku eedeeyay Taiwan in ay ciidamo u tababartay Somaliland, kuwaasoo sida uu sheegay ka qayb-qaatay dagaallo gudaha ah oo ka dhacay deegaannada Somaliland, inkastoo uusan si cad u magacaabin ciidamada ama saraakiisha la tababaray.
“Waxay tababareen ciidamo qeyb ka ahaa dagaallada ka socda deegaannadaas [Somaliland] oo saraakiishooda la yaqaan, khatar bay ahaayeen,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale, wasiir Fiqi wuxuu xaqiijiyay in Taiwan ay qorsheyneysay in wasiirkeeda arrimaha dibadda uu booqdo Somaliland, islamarkaana uu watay “ruqsad gooni u goosad ah”, taasoo dowladda Soomaaliya ku tilmaantay tallaabo ka soo horjeeda midnimada iyo siyaasadda guud ee Qaranka.
“Annagoo ka amba qaadeyna siyaasadeena arrimaha dibadda, waxaana gebi ahaanba xayirnay baasaboorka Taiwan gudaha Soomaaliya,” ayuu markale yiri.

Fiqi wuxuu beeniyay in dowladda Shiinaha ay cadaadis ku saartay Soomaaliya si ay u qaaddo tallaabadaasi, wuxuuna sheegay in arrintaasi ahayd go’aan madax bannaan oo ku saleysan mabda’a dowladda Soomaaliya ee ku wajahan midnimada dalka iyo ka hortagga faragelinta shisheeye.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Taiwan uu ahaa mid aad u xumaaday sanadihii u dambeeyay, ka dib markii Taiwan ay xiriir diblomaasi la yeelatay Somaliland, taasi oo dowladda Soomaaliya u aragto mid khatar ku ah madax bannaanideeda dhuleed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed