Finland oo war ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee Somaliland

4, August 2022

Dawlada Finland ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda Somaliland inay dib ugu soo laabtaan miiska wadaxaajoodka, isla markaana walaac ka muujisay “jawiga siyaasadeed ee kacsan” ee ka taagan Somaliland.

Bayaan uu saaray Suldaan Siciid Axmed oo tirsan baarlamaanka Finland, asalkiisuna Soomaali yahay ahna ergayga Geeska Afrika ee dawlada Finland ayaa sheegay in booqasho uu ku tagay bishii July Somaliland uu kulamo kula yeeshay dadka ay ka go’do siyaasadda Somaliland, waxaana uu yiri;

“Waxaan ka walaacsanahay jawiga siyaasadeed ee kacsan ee Somaliland, ismari waagga siyaasadeed ee kordhaya ee ku aadan in xilligeeda ay doorasho ka dhacdo Somaliland dhammaadka sanadkan”

Bayaankiisa ayuu ku sheegay ergaygu in Somaliland ay ka mid ahayd meelaha ugu xasilloon Geeska Afrika halkaasi oo horumarka nidaamka Baarlamaaniga ah iyo dimuqraadiyadu rajo galinayeen gobol colaaddu dilootay, balse hadda deganaansho la’aanta siyaasaadeed halis ku tahay horumarkaasi wanaagsan.

Suldaan Siciid Axmed wuxuu sheegay in ay tahay wax la fami karo fasiraada kala duwan ee sharci ee xisbiyadu ka bixinayaan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay, hase yeeshee uu ku baaqayo in hannaan loo dhan yahay oo dhaqanka ku salaysan xal looga garo xaalladan, iyadoo gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid tahay abaarta ba’an ee taariikhiga ah.

Ergayga dawlada Finland ee Geeska Afrika wuxuu sheegay in Somaliland ay muujisay caddayn wayn oo ah in xal laga gaaro xaallado la isku diiddanaa iyadoo aqalka Guurtida & hay’adaha kale ee dawloga ah door wayn ka ciyaareen arrintaas.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed