Fethullah Gulen oo geeriyooday.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta oo Isniin ah xaqiijiyay geerida wadaadka fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka isla markaana ahaa hoggaamiyaha ururka Hizmet, Fethullah Gulen, kaasoo Ankara ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee fashilmay 2016-kii, ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Warbaahinta Turkiga ee TRT ayaa baahisay warkan oo ay ka soo xigatay baraha bulshada ururka uu hoggaamin jiray wadaadkan musaafuriska uga maqnaa dalkiisa, waxaana uu ku geeriyooday isbitaal uu ku jiray maalmahan, da’diisu waxay ahayd 83 sano jir.

Telefishinka Turkiga ee NTV, iyo warbaahinta kale ee maxaliga ah ayaa iyaguna warkan baahiyay.

Gulen ayaa tan iyo sanadkii 1999-kii degenaa gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, waxaana dhalashada Turkiga laga qaaday sanadkii 2017-kii, iyadoo Ankara ka dalbatay Washington in loo soo gacan geliyo, balse Mareykanka arinkaasi waa uu ka biyo diiday.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horey xulufo ula ahaa kooxda Gulen hoggaamiyo, balse markii dambe waa ay isku noqdeen cadow, kadib markii waddaadka lagu eedeeyeen inuu abaabulay oo uu ku lug lahaa isku daygii afgambi ee dhacay July 15, 2016, oo ay ku dhinteen in ka badan 240 qof.

Maamulka Turkiga ayaa xiray tobanaan kun oo taageerayaashiisa ah, dhankiisa eedeymahaasna Gulen waa uu beeniyay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed