Dowlada Maraykanka ayaa albaabada isugu dhufatay Xarun carruurta lagu xanaaneeyo oo ay leeyihiin dad Soomaali ah ku taalla magaalada Minneapolis, taasi oo si buuxda loo xiray Arbacadii shalay, maalin ka dib markii hay’adda dambi baarista FBI-da ay weerartay xaruntan iyo ilaa 20 ganacsiyo kale oo ku yaalla gobolka Minnesota.
Magacii iyo astaantii gaancsiga ayaa laga fujiyey, waxaana lagu beddelay calaamad digniin u ah booqdayaasha in kamaradaha amniga la isticmaalayo.
Go’aankan wuxuu ku dambeeyey sida la sheegay kadib markii la bilaabay baaritaan lagu sameenayay xarumahaan oo lagu soo eedeeyey musuqmaasuq iyo khiyaano adeeg bulsho oo ballaaran oo ka dhacay magaalada ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota.
Xaruntan la sheegay in caruurta lagu xanaaneeyo Qof ilaaliye ahaa oo ka shaqeyn jiray aaggaas ay ku taallo ayaa sheegay inuusan waligiis arkin carruur galeysa gudaha xarunta, taasoo xirnayd tan iyo bishii Janaayo sida ku cad diiwaanka gobolka.
Qof kale oo ku noolaa meel u dhow xaruntan ayaa sheegay inaysan “waligood” carruur ku arkin halkaa.
Bilihii la soo dhaafay bulshada Soomaalida ah ee ku nool gobolka Minnesota ayaa wajahayey hadalo af lagaado ah oo ka imaanayey madaxweyne Donald Trump, isaga oo Bishii December kulan wasiirro uu la yeeshay ku tilmaamay Soomaalida “qashin,” arrintaas oo dhalisay cambaareyn xooggan gudaha iyo dibadda ah.
HBN ONLINE TV

