Faysal Cali Waraabe oo dalalka Islaamka ka dalbaday inaysan la shaqeyn Netanyahu iyo Trump si loo burburiyo Iiraan

Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan deegaanada Somaliland ayaa si caro uga falceliyey weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan— wuxuu baaq u diray dalalka Carabta iyo guud ahaan ummadaha Islaamka, isagoo ka hadlay xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan Bariga Dhexe.

Wuxuu sheegay in dagaalka lagu qaaday Iiraan, oo uu ku eedeeyay in ay wadaan hogaamiyaasha Maraykanka Donald Trump iyo Israa’iil Benjamin Netanyahu oo gobolkiisa aqoonsatay in uusan ku koobneyn oo kaliya shacabka Iiraan, balse uu saameyn toos ah ku yeelan karo dhammaan dalalka Caabta.

Faysal tilmaamay in ujeeddada ka dambeysa weerarradaasi ay tahay in la iska horkeeno dalalka Carabta iyo Iiraan, isagoo ka digay in xaaladdu horseedi karto weerarro lagu qaado goobaha shidaalka, taasoo keeni karta daciifnimo dhaqaale iyo dib u dhac ku yimaada horumarka dalalka Carabta.

“Weerarrada wadajirka ah ee qaawan ee gardarrada ah ee lagu hayo Iiraan, oo ay wadaan Trump iyo Netanyahu, kuma koobna oo keliya shacabka Iran—waxay saameynayaan dhammaan dalalka Carabta. Ujeeddadoodu waa inay kiciyaan dagaal u dhexeeya dalalka Carabta iyo Iiraan, dagaal ay Iiraan ku beegsan karto oo ku burburin karto ceelasha shidaalka, taasoo dalalka Carabta ka dhigi karta kuwo daciif ah, sabool ah, isla markaana dib u dhac ku yimaado horumarkooda” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa kula taliyay dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah in aysan ku biirin dagaalka ka dhanka ah Iiraan, isla markaana aysan la shaqeyn dhinacyada uu sheegay inay wadaan weerarradaasi.

“Waxaan kula talinayaa dhammaan dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah inaysan la shaqeyn Netanyahu iyo Trump si looga hortago Iiraan. Halkii, ha dhexdhexaad ahaadaan, kana shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa xiisadda loona gaari lahaa xal kama dambeys ah oo dhinacyada oo dhan anfaca” ayuu yiri markale Faysal Cali.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay dalalkaasi inay qaataan mowqif dhexdhexaadnimo ah, isla markaana ka shaqeeyaan sidii loo dejin lahaa xiisadda loona gaari lahaa xal waara oo dan u ah dhammaan dhinacyada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed