Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga falcelinayo gogosha wadatashi qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo la qorsheeyay in la qabto bartamaha bisha Juun. Wadatashigu wuxuu diiradda saarayaa arrimo waaweyn oo qaran, sida doorashooyinka, amniga iyo dib-u-eegista dastuurka.
Farmaajo ayaa soo dhoweeyay gogosha, hase yeeshee wuxuu adkeeyay in loo baahanyahay ka qeybgal ballaaran oo dhammeystiran. Wuxuu ugu baaqay dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada inay si buuxda uga qeybgalaan, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in Puntland iyo Jubbaland lagu daro wadatashiga, maadaama ay horay cabasho uga muujiyeen geeddi-socodyadii hore ee wadatashi qaran.
Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa walaac ka muujiyay talaabooyin uu sheegay in dowladda hadda jirta ay si “keli ah” u qaadatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin isbeddel lagu sameeyay dastuurka, magacaabista guddiyada doorashooyinka iyo burburinta madalihii wadatashiga qaran. Wuxuu sheegay in tallaabooyinkaas ay horseedeen “khilaafaad siyaasadeed oo socda.”
Farmaajo ayaa intaa ku daray in dib looga laabto tallaabooyinkaas ay caawin karto in la helo jawi iskaashi oo wanaagsan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Bayaan-kan ayaa yimid iyadoo wali lagu jiro diyaar garowga wadatashiga 15-ka Juun, kaasoo la filayo inuu isu keeno madaxda siyaasadeed si looga wada hadlo arrimaha dowlad-dhiska iyo dib-u-habaynta Soomaaliya.
HBN ONLINE TV