Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war saxaafadeed uu soo saaray si adag ugu weeraray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dibadbaxyo uu sheegay inay ahaayeen kuwo nabadeed oo ay shacabka Soomaaliyeed kaga soo horjeedeen dhulboob iyo barakicin uu ku eedeeyey dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, wuxuu ku dooday in abaabulka ciidan ee dowladda ay kula dhaqaaqday shacabka dibadbaxayay uu muujinayo halista uu dalka gelinayo sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli sida uu sheegay uu dhammaanayo muddo xileedkiisa sharciyeed 15-ka bishaan May.
“Abaabulka ciidan ee Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wajahday muwaadiniinta gudanayey xaqooda dastuuriga ah ee dibad-baxa nabadeed, waxa ay muujinaysaa halista Madaxweynaha uu muddo xileedkiisa sharciga ahi ku egyahay 15-ka May uu ku wado dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne hore Farmaajo.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyey dhammaan dadka ku dhaawacmay dibadbaxyada maanta ka dhacay Muqdisho, isagoo shacabka ugu baaqay inay garab istaag iyo gurmad u fidiyaan dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay rabshadaha iyo burburka guryaha iyo hantida.
Weli eedeymahaan culus dowladdu kama aanay jawaabin
HBN ONLINE TV

