War-saxaafadeed si adag u dhaliilaya hab-dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo uu soo saaray Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in uu jiro qorshe khatar ku ah midnimada dalka, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, kaasoo la xiriira burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo isku-dayga in loo beddelo madal xisbi gaar ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.
Bayaanka Farmaajo ayaa si cad u cambaareynaya qorshaha doorasho lagu sifeeyey hal dhinac ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo in uu ku qabto doorasho aan loo marin waddadii sharciyeed, isagoo adeegsanaya sida uu carrabaabay guddi doorasho aan sharciyad ku dhisneyn, isla markaana aan loo marin habraacyadii dastuurka iyo heshiisyadii hore ee siyaasadeed.
“Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah waxay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, warka Farmaajo ayaa baaq loogu diray Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu boorinayo inuu ka fogaado ficillo halis galin kara dowladnimada, mudnaanta siiyo la dagaallanka khatarta waxa loogu yeero argagixisada, soo celiyo wada shaqeynta maamul-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka iyo inuu furo gogoshii ballanqaadka ahayd ee wadatashiga Qaran.
Ugu dambeyntii, madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay inay si qoto dheer uga fiirsadaan ka mid noqoshada hannaan siyaasadeed oo hal dhinac ah, iyo “xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed”.
HBN ONLINE TV