Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u dhaliilay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed uu Farmaajo soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku sheegay walaaca uu ka qabo qodob oo muhiim ah oo ka soo baxay kulanka, kuwaasoo uu aaminsan yahay inay sii kordhin karaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jirta.
Farmaajo ayaa warsaxaafadeedkiisa ku soo gabagabeeyay baaq waxqabad, isagoo ku booriyay siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan caqabadaha hortaagan dowladda. Waxa uu ka digay in tallaabada hadda socota ay horseedi karto xiisad siyaasadeed oo kororta iyo xasillooni darro, taasoo dhaawici karta horumarka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Dhaleeceyntan ayaa u muuqata mid shacabka dib u xasuusineysa waxqabadkii hore ee Farmaajo iyo xiriirkii Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada intii uu madaxweynaha ahaa. Hadalkiisa ayaa sii huriyay doodda weli socota ee ku saabsan jihaynta dowladda Soomaaliya iyo doorka hay’adaha kala duwan ee siyaasadda ay ku leeyihiin qaabeynta mustaqbalka dalka.
Dhanka kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo xaliyo baaqashada Puntland ee shirarka Golaha wadatashiga Qaran. Baaqan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho uu shir uga socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo aan Puntland ku jirin.
War-saxaafadeedka, xisbigu wuxuu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto ka-qaybgal la’aanta Puntland ee doodahaas muhiimka ah. “Mabda’a Golaha Wadatashiga Qaranku waa talo-wadaag. Waxaan ognahay in dhowr shirar la qabtay oo aysan Puntland joogin. Markaa waa in xal deg-deg ah laga gaaro xiriirka golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka,” ayuu yiri Xisbiga Himilo Qaran.
Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xaliyo khilaafaadyada la xiriira dhameystirka Dastuurka. Waxay ku booriyeen Golaha in walaacan lagu daro qorshaha ballaaran ee lagula dagaalamayo Al-Shabaabka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran waxa uu kordhinayaa cadaadiska isa soo taraya ee lagu hayo golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka si loo xaqiijiyo ka qaybgalka loo dhan yahay ee dhammaan dawlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland si loo helo midnimo, si hufanna looga wada hadlo arrimaha khilaafka.
Baaqyada Faraamjo iyo Shariif ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor la soo gaba gabeeyay shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho. Kulankan oo laga soo saaray war-saxaafadeed ka soo baxay qodobbo muhiim ah, ayaan si buuxda looga wada hadlin tabashooyinka ay soo jeediyeen madaxdii hore ee ku saabsan maqnaanshaha Puntland iyo mudnaanta la siinayo arrimaha Taagan ee dhaliyay khilaafka xooggan.
HBN NEWS DESK