Faransiiska oo si tartiib ah uga sii dhamaanaya qaarada Afrika

Faransiiska iyo Senegal ayaa sheegay inay go’aansadeen inay sameeyaan guddi si ay u diyaariyaan bixitaanka ciidanka Faransiiska ee dalka ku yaala Galbeedka Afrika ka hor dhammaadka sanadkan 2025.
Bayaan ay soo saareen ayaa lagu sheegay in labada dal ay doonayaan inay ka shaqeeyaan iskaashi dhanka difaaca iyo amniga ah, iyaga oo tixgelinaya mudnaanta istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa sheegay inuu doonayo in la soo afjaro joogitaanka ciidanka Faransiiska ee dalkiisa.
“Wax badan kadib, ma jiri doonaan ciidamo Faransiis ah oo jooga Senegal,” ayuu Faye u sheegay wargeyska Le Monde bishii November ee sanadkii tagay, isaga oo adkeeyay muhiimadda madaxbannaanida qaranka.

Ciidanka Faransiiska ayaa joogay Senegal tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay sanadkii 1960, waxaana joogitaankooda loo adeegsan jiray tababarka iyo hawlgallada amniga gobolka. Hadda waxaa Senegal ku sugan 350 askari oo Faransiis ah.
Hadalka Faye wuxuu ahaa markii ugu horreysay ee dowladda Senegal ay si rasmi ah uga dalbato Faransiiska inuu ciidankiisa kala baxo dalkooda iyadoo oo qeyb ka noqon doonta dalal dhowr ah oo Afrikaan ah kuwaasi oo uu Faransiisku ka baxay.

Ra’iisul Wasaare Ousmane Sonko ayaa dhankiisa bishii May dhaliilay joogitaanka ciidanka Faransiiska, isaga oo su’aal geliyay baahida ciidamo shisheeye ay u joogaan dal madaxbannaan.
Faransiiska ayaa dhammeystiray bixitaankiisii milatari ee Chad bishii hore, isaga oo ka baxay saldhiggiisii ugu dambeeyay hal maalin ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay Chad u qabatay.

“Waxay u tahay Chad waaberigii madaxbannaanida dhabta ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Chad, Mahamat Idriss Deby, isaga oo xusay in dalkiisu uu u baahan yahay in la dhiso ciidan adag oo si wanaagsan u qalabaysan si wax looga qabto khataraha amni.
N’Djamena ma joojinayso xiriirka ay la leedahay Paris, ayuu xusay Deby. “Waxaan dhammeynay kaliya qeybta milatari ee iskaashigan.”

Qiyaastii 100 askari oo Faransiis ah ayaa ka baxay saldhigga Abeche  ee bariga Chad 11-kii bishii Janaayo. Dowladda Chad ayaa kadib Faransiiska siisay lix toddobaad si uu ula baxo askartiisa iyo qalabkooda, iyada oo u qabatay xilliga kama dambaysta ah 31-dii bishii Janaayo. Faransiisku wuxuu askartiisii ugu dambeysay ka saaray dalka hal maalin kahor waqtiga kama dambaysta ah.

Joogitaanka ciidanka Faransiiska ee Afrika ayaa si tartiib ah hoos ugu sii dhacayay sanadihii u dambeeyay, maadaama dalal badan ay ciidankaasi ka saarayeen dalalkooda. Marka laga soo tago Chad, ciidanka Faransiiska waxaa sidoo kale laga saaray dalalka Mali, Niger iyo Burkina Faso.

Ivory Coast ayaa iyaduna shaacisay qorshayaal ay ku dooneyso iney dhulkeeda uga saarto ciidanka Faransiiska. Hadda, ciidanka Faransiiska ayaa weli jooga qeybo ka mida qaarada Afrika gaar ahaana wadamada Jabuuti iyo Gabon, labadan dal weli ma aysan muujin wax isbeddel ah oo ku aaddan heshiisyadooda la xiriira joogitaanka ciidamada milatariga Faransiiska ee dhulalkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed