Fanaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

ALLAHA u naxariistee Fanaankii, heesaagii iyo laxamiistihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal ayaa saaka oo Jimce ah ku geeriyooday gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa islamarkaana lagu daweynayay.

Marxuum Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa haldoorkii ugu magaca dheeraa fanka Soomaaliyeed, isagoo bulshada uga tegay dhaxal faneed hodan ah oo saameyn ku yeeshay jiilal badan oo Soomaaliyeed.

Wuxuu fanka ku biiray sannadkii 1967, isagoo bilaabay jilitaanka riwaayado caan ahaa, sida Shabeel Naagood oo uu qoray Alle ha u naxariistee Xasan Sheekh Muumin, iyo Yaxas Dhagaduub. Codkiisa gaarka ah iyo hibadiisa faneed ayaa ka dhigtay mid ka mid ah fanaaniintii loogu jeclaa Soomaalida, isagoo qaaday heeso si weyn loo xusuusto, sida Dad Hargeysa Soo Maray, Gar Qaado, Sida Dholka Guga, iyo Sida Haro Gin Gimanoo.

Muddo tobannaan sano ah oo uu ku jiray mihnadda fanka, Axmed Cali Cigaal wuxuu helay abaal-marinno iyo maamuusyo kala duwan oo lagu guddoonsiiyay gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba, si loogu aqoonsado kaalintii weynayd ee uu ka qaatay horumarinta fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Abaal-marinnada ugu caansan waxaa ka mid ahayd Abaalmarinta Halyeeyga, oo uu guddoonsiiyay Madxafka Soomaalida ee dalka Maraykanka, laguna maamuusay waxqabadkiisii nololeed iyo raadkii waaraa ee uu ku reebay fanka Soomaaliyeed.

Geerida Marxuum Axmed Cali Cigaal ayaa loo arkaa khasaare weyn oo soo gaaray fanka Soomaaliyeed, waxaana murugo ka muujiyay bahda fanka iyo guud ahaan Soomaalida ku nool daafaha dunida.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed