Falcelinta ka dhalatay weerarkii qarax ee lala eegtay Madaxweynaha Soomaaliya sii kordhaysa

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii Alshabaab ay ka geysteen agagaarka isgoyska Ceel Gaabta, kaasi oo lala eegtay Kolonyo uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya maalinimii shalay.

Madaxweyne Farmaajo oo bayaan kulul ka soo saaray qaraxa dadka badan ku dhinteen ayaa sheegay inuu si adag u cambaaraynayo. “Falkan argagixisada halista ku ah dowladnimada iyo jiritaanka Ummada ay gaysatay waa mid ka tarjumaya wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharfan ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.”” ayaa lagu yiri warkan oo lagu baahiyey bogga Farmaajo.

Sidoo kale qoraalka kale oo uu soo saaray Madaxweyne hore Shariif ayaa lagu “Weerarkaan wuxuu mar kale shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta xasuusinayaa sida loogu baahanyahay in midnimo iyo wadajir looga hortago falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah”.

Dhanka kale, Dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lala eegtay kolonyada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xili uu ku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed