Falcelin xooggan oo ka dhalatay safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, hadaba ma furi doonaa bog cusub mise wuu sii hurin doonaa dabkii hore?

Magacaabista Suleiman Dedefo Woshe oo noqday safiirka cusub ee Itoobiya u fadhin doona Soomaaliya ayaa dhalisay falcelin xooggan oo ka imanaysa qaybaha kala duwan ee bulshada, kadib markii lagu eedeeyay waa sida hadalka loo dhigaye in uu yahay nin u ololeeya qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland.

Danjire Suleiman ayaa shalay si rasmi ah uga gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay wehliyaan safiiro kale oo ka kala socday dalal kale. Si kastaba ha ahaatee, dareenka ugu weyn ee dadweynaha Soomaaliyeed uu qabsaday, wuxuu ku qotomaa mowqifyadii hore ee uu Dedefo ka qaatay midnimada Soomaaliya, kuwaasoo si toos ah u taabanaya madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Qoraallo hore oo la helay, ayaa muujinaya in safiirkan uu si cad ugu doodayay in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale, mana jirto ilaa hadda wax caddeyn ah oo uu muujiyay in uu mowqifkiisa beddelay, taasoo keentay su’aalo laga keenay ku habboonaanta magacaabistiisa.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ahaa mid qabow tan iyo bishii Oktoobar 2024, markaas oo ay dowladda Soomaaliya dalka ka saartay safiir Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyay xadgudubyo diblomaasiyadeed. Xiisaddaasi waxaa sii huriyay heshiiskii is-fahamka ahaa ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay Soomaaliya u aragtay mid halis ku ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Inkasta oo wadahadallo lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay horseedeen heshiis xabbad-joojin iyo is-faham horudhac ah bishii Diseembar 2024, haddana dadaalladaasi waxay hakadeen tan iyo Abriil 2025, iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin.

Magacaabista safiirkan cusub oo leh taariikh muran dhalisay, ayaa loo arkayay rajo diblomaasiyadeed oo cusub, hase yeeshee dareenka shacabka ayaa muujinaya shaki iyo walaac ah in danjirahaasi uu yahay “nin mowqifkiisu weli cadow ku ah midnimada Soomaaliya.”

Qaar ka mid ah falcelinta shacabka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya sida ay uga xumaadeen in dowladda Soomaaliya aysan si cad u dalban in Itoobiya ay dib uga fiirsato magacaabistan, ama ugu yaraan ka codsato in safiirku caddeeyo inuu ka baxay fikirkiisii hore ee taageerada gooni isu-taagga.

 

Xogta Itoobiya oo soo magacowday safiirkeeda u fadhi doona Soomaaliya kadib sanad khilaaf dibloomaasiyadeed oo uu dhaxeeyay Muqdisho & Addis Ababa

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed