Wakiillo Falastiin ah ayaa guul muhiim ah ka gaaray shirweynaha sannadlaha ah ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee loo yaqaan WHO, kaddib markii codbixin caalami ah lagu oggolaaday in calanka Falastiin laga taago xarunta WHO. Tani ayaa loo arkaa tallaabo calaamadeyneysa aqoonsi korodhaya oo Falastiin ka helayso beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha Qaramada Midoobay.
Qaraarkan waxaa soo gudbiyay waddamo ay ka mid yihiin Shiinaha, Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo dalal kale. Waxaa u codeeyay 95 dal, halka 4 dal ay ka soo horjeesteen, kuwaasi oo kala ah Israel, Hungary, Czech Republic iyo Germany, iyadoo 27 dal ay ka aamuseen.
Mareykanka, oo ah saaxiibka dhow ee Israel isla markaana qorsheynaya inuu ka baxo WHO, kama qaybgelin codbixinta. Faransiiska iyo Japan ayaa taageeray qaraarka, halka Boqortooyada Ingiriiska ay ka aamustay.
Ergeyga Falastiin u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Ibrahim Khraishi, ayaa isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu yiri “Tani waa astaan iyo tallaabo muhiim ah oo muujinaysa in aan nahay qayb ka mid ah beesha caalamka, si aan uga qeybqaadanno horumarinta caafimaadka. Waxaan rajaynayaa in aan dhawaan noqono xubnaha buuxa oo ka tirsan WHO iyo dhammaan hay’adaha UN-ka.”
Toddobaadkii hore, Falastiin ayaa sidoo kale heshay xaq ay ku heli karto ogeysiisyada degdegga ah ee hoos yimaada Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah ee WHO – kuwaas oo ah nidaamyo loogu talagalay la socodka iyo ka hortagga cudurrada faafa ee dunida.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid xoojinaysa dadaallada Falastiin ee ku aaddan helitaanka aqoonsi buuxa oo caalami ah iyo ka mid noqoshada dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay
HBN ONLINE TV