Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya degmooyinka Wanlaweyn iyo Yaaqbereweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xiisaddu si adag u sii xoogeysanayso, iyadoo dagaallo cusub ka socdaan halkaas ay geysteen dhimasho iyo khasaare hor leh.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dab cardaadiqaya guryo ka sameysan dhis (geedo). Xog kale ayaa sheegaysa in hooyo iyo carruurteeda lagu dilay dab qabsaday guri, inkastoo aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin arrintaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag uga hadashay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ku tilmaamtay dhacdooyinka foosha xun ee lagula kacay dad rayid ah.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ayaa lagu baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dilalka iyo colaadaha sokeeye, hay’adaha amnigana loogu amray in si degdeg ah loola xisaabtamo kuwa ku lugta leh falalka kicinta bulshada iyo iska hor keenidda shacabka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha bulshada sida Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’udiinka, Haweenka, iyo waxgaradka deegaannada ay colaadaha ka socdaan, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadaha iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida.
DFS ayaa sidoo kale tacsiyad u dirtay ehelada dadkii ku dhintay colaadaha socda.
Warkan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada Soomaalida ay faafeen muuqaal argagax leh oo muujinaya nin nolosha lagu gubayo, kaas oo ka dhacay degmada Wanlaweyn.
Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn, Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa qof xanuunsan oo dhex socday deegaanka reerka ay colaaddu dhex martay, islamarkaana falka beegsiga ah u dhacay si anoo qabiil ah. Wuxuu intaa ku daray in reerka uu ka dhashay ninka iyo kuwa falkan geystay ay ka dhexeysay colaad sanado socotay.
Falkan oo ka dhacay deegaanka Dudumaay ee duleedka Wanlaweyn ayaa laga duubay muuqaal muujinaya nin qiyaastii da’doodu tahay kontomeeyo oo lagu garaacayo ulo iyo dhagax, kadibna si toos ah loogu gubayo.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay falkaas, isagoo sheegay inaysan aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo carqaladeynaya amniga iyo xasiloonida shacabka, isla markaana kooxaha ka dambeeyay ay yihiin cadowga nabadda iyo horumarka bulshada.
War-saxaafadeedka maamulka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono dhacdada, cidda ka dambeysaana la marsiin doono sharciga.
Dilalka ku saleysan anooyinka qabiilka ayaa ku badan deegaannada Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyuhu sheegay in dhowaan ay soo cusboonaatay colaadda ka dhexeysa reeraha wada dega halkaas.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

