Fahatahaada wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan oo faraha ka baxday iyo digniino is-daba-jooga ah oo loo diray dadka deegaanka

Wabiga Shabelle ayaa buux dhaafiyay qararka, waxaana uu ku fatahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Wabigan ayaa durba bilaabay inuu saameyn ku yeesho qeybo kamid ah magaalada,xaalaadda ayaa faraha ka baxday marka la eego awooddda biyaha, waxaana taasi keentay hakad weyn, waxaana digniino kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Sawirro laga soo qaaday magaalada Beledweyne oo ay faafisay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay fatahaadda wabiga Shabeelle, waxaana ay muujinayaan waddooyin uu qarqiyey iyo dhismayaa. Magaaladan, oo u nugul fatahaada webiga, ayaa inta badan la kulma khasaare baaxad ke leh, oo ay ugu horreyso hantida. Dadka deegaanka ayaa inta badan u guura duleedka magaalada si ay uga baxsadaan biyaha buux dhaafiyay guryahoodii.

Hay’adda SODMA oo ka jawaabeysa fatahaadda wabiga ayaa soo saartay digniino deg deg ah, taasi oo muujineysa khatarta xooggan ee ka dhalan karta roobabka gu’ga ee sababay in wabiga biyo keeno. Hay’addu waxay ugu baaqday dadka ku nool hareeraha webiga inay si degdeg ah uga guuraan si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira fatahaado uu sameeyay Wabiga Shabeelle. Xaaladda hadda jirta ayaa sii kordhisay caqabadaha ay la kulmaan dadka deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed