Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta lagu kala kacay fadhigii 3-aad ee dhageysiga dacwad dil ah oo ka socotay Maxkamadda Gobolka Galgaduud, taas oo la xiriirta dilka hooyo iyo seddex gabdhood oo ay dhashay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ehellada dhibanayaasha ay caro ka muujiyeen go’aan la tilmaamay inuu ka soo baxay garsoorka, iyagoo hoolka maxkamadda ay isaga bexeen, kadib markii ay saluug ka muujiyeen qaabka dacwadda loo waday iyo kalsoonidii ay ku qabeen garsoorka.
Xogta hordhaca ah ayaa tilmaamaysa in jawigu is beddelay markii maxkamaddu ay soo jeedisay in dhaar lagu leeyahay eedeysanayaasha, hase yeeshee maleeshiyaad hubeysan ayaa si lama filaan ah u galay hoolka maxkamadda, taas oo keentay fowdo iyo buuq xooggan.
Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin mas’uuliyiinta garsoorka ee Maxkamadda gobolka Galgaduud, iyadoo xaaladda lagu tilmaamay mid kacsan. Ilo wareedyo madaxbannaan ayaa xaqiijiyay in falkaan uu ahaa mid toos meel ka dhac ugu ahaa Maxkamadda.
Falkaan ayaa loo arkaa mid halis ku ah amniga iyo madax-bannaanida garsoorka dalka, waxaana la filayaa in hay’adaha amniga iyo garsoorka ay ka qaadaan tallaabo degdeg ah cid kasta oo ku lug lahayd rabshaddii maanta dhacday.
HBN ONLINE TV

