Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta loogu geystay barkoontarool oo ku taala degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan mid ka mid ah wadayaasha Gaadiidka isaga kala goosha gobolada dhexe ee dalka iyo magaalada Muqdisho.
Darawalka lagu dilay bartakoontarool ee taala afaafka hore ee degmada Moqokori ayaa magaciisa lagu sheegay Sakariye Shiiq Cali Carab, kaasi oo ah wiil dhalinyaro ah oo aad u da’yaraa.
Dilka marxuumka ayaa warar kala duwan oo ka soo baxaya waxay sheegayaan in koox ku sugnayd barta ay rasaas ku fureen gaarigiisa, halka warar kale ay sheegayaan in marxuumka uu diiday inuu bixiyo lacaga badan oo la weydiiyay, taasina ay sababtay dhimashadiisa.
Ilo dhanka amaanka oo deegaanka ah ayaa HBN ONLINE TV ka soo xiganeysa in ninkii dilka marxuumka ka dambeeyey uu goobta ka baxsaday, kaasi oo la sheegay in ciidamada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo Milateriga ay durba bilaabeen howlgal lagu soo qabanayo, ka dib amar ka soo baxay madaxda laamaha ammaanka.
Ugu dambehntii qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Moqokori ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha amaanka in baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadan, si cadaaladda loo horkeeno cida ka dambeysay dilka marxuumka.
HBN ONLINE TV