Wararka naga soo gaaraya deegaanka Koogaar oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka waaberigii lagu dilay laba qof oo shacab ah, kuwaasoo midkood ka shaqeynayay xarun isgaarsiineed, halka midka kalena uu ka howlgalayay ceel-biyood deegaanka ku yaalla.
Goobjoogayaal ku sugan Koogaar ayaa sheegay in rag hubeysan oo kasoo jeeda isla degmada Cadalle ay fuliyeen falkaasi dilka ah, isla markaana ay si degdeg ah goobta uga baxsadeen. Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkan, balse dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac xooggan, iyagoo ka baqdin qaba in ay arrintani horseeddo xiisado beeleed oo hor leh.
Labada qof ee la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr maalmood ka hor darawal waday gaari Nooha (NOAHA) ah lagu dilay duleedka degmada Cadalle, falkaasoo ay sidoo kale fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay kasoo jeedaan isla deegaankaasi. Dilkaasi hore wuxuu kiciyay cabsi iyo walwal ka dhex jira dadka deegaanka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle ama hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal oo ku saabsan falalkan dilalka ah ee kusoo kordhaya degmada.
Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco wararkeena dambe.
Isha ku haay HBN ONLINE TV