Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hawlgallo qorshaysan oo ciidamada milatariga Soomaaliya ay maalintii saddexaad ka wadaan deegaanno hoos taga gobolka Bakool, gaar ahaan dhulka u dhexeeya degmooyinka Xuddur iyo Waajid.
Hawlgallada oo ay fulinayaan cutubyo ka tirsan xooggaga gaarka ah ee dowladda, ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanayaa fariisimaha iyo godadka ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas, kuwaas oo muddooyinkii dambe u adeegayay abaabulkooda dagaal.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa tilmaamaya in hawlgalladan lagu toogtay xubno muhiim u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo door muuqda ku lahaa howlaha qorsheynta iyo abaabulka kooxda ee gobolka Bakool.
Waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay Cabdi Boorow, oo sida la sheegay in uu u qaabilsanaa askaraynta carruurta iyo ururinta dagaalyahannada cusub, shaqo muhiim u ahayd qorshaha kooxda ee kordhinta maleeshiyaadka sida lagu sheegay warka.
Horay ciidamda dowladda ayaa dilay Maxamed Cabdi Gaafoow, oo ahaa taliyaha Al-Shabaab ee tuulada Abal, kana mid ahaa shaqsiyaadka kooxda ugu firfircoon ee halkaas ku sugnaa. Ciidamada ayaa la filayaa inay hawlgallada sii wadaan, iyagoo ku socda qorshe ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka.
HBN ONLINE TV

