Faahfaahino dheeraad ah oo ku soo baxaya dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta dablay hubeysan ay ku dileen nin dhalinyaro ah meel fagaare ah oo ku taalla waqooyiga magaalada, gaar ahaan xaafadda Garsoor, oo ah meel mashquul badan, sida ay ku soo warantay warbaahinta gudaha.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob ganacsi oo yar, xilli uu la hadlayay saaxiibadiis, waxaana lagu toogtay dhowr xabbadood oo si toos ah loogu dhuftay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa markiiba goobta ka baxsatay iyaga oo watey mooto bajaaj, iyadoo ciidamada ammaanka aysan si degdeg ah u qaban dadkii falkaasi ka dambeeyey.

Ilo amni ayaa sheegay in falkaasi u muuqdo mid aan la xiriirin arrimo qabiil, inkasta oo noocyo kale oo falal dil ah ay marar badan ka dhaceen magaalada iyo nawaaxigeeda.
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa bilaabay baaritaanno lagu raadinayo raggii weerarka fuliyay, iyadoo saraakiisha amnigu sheegeen in ay ku raadjoogaan kooxaha ku lugta leh falka dhacay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay noqotay goob ay dhowr jeer ka dhaceen dilal qorsheysan iyo khilaafaad qabaa’il, inkasta oo maamulka gobolka uu sheegay in tallaabooyin lagu xakameynayo falalkaas la qaaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed