Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaysa dagaal culus oo u dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidanka Dawladda oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Wararrka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saaka ka bilowdeen magaalada Nuur Dugle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa qabaa’ilka ee halkaasi jooga.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo weriyay inay dagaaladaasi dhaliyeen.
Alshabaab oo saakay halkaasi weeraray, shalay ayey isku dayeen in ay halkaasi weeraranaan, laakin dagallo aya halkaasi ka dhacay, waxaana magaalada ku sugan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in tan iyo saakay dagaallo culus la soo werinayo iyo khasaaro halkaasi ka dhashay laakin ilaa iyo hadda faahfaahin dhab ah lagama hayo sida ay wax u dhaceen, iayadoo labada dhinac ay isku dayayayaan in ay yeeshaan gacangta sare.

Alshababa war ay soo saareen aroornimadii hore ee saakay waxa ay sheegeen in ay qabsadeen Nuur Dugle, laakin ilaa iyo hadda ilo madaxbanaan oo xaqijinaya sheegashada Alshabaab ma jirto.

Saraakiisha ciidamada ee magaalada Nuur-Dugle kama hadlin xogta dagaalka maanta.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya oo si kooban uga hadashay dagaalkan ayaa tiri “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo maanta Khawaarijta ku jebiyey dagaalkii ka dhacay deegaanka Nuurdugle ee gobolka Sh/Dhexe.”, kadib fariintan kooban oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Nuur dugle ayaa muhiim u ah isku socodka waddada dheer ee xeebta ee xiriirisa gobollada dhexe iyo Muqdisho, ciddii gacanta ku dhigtaana waxa ay uu muuqataa inay mamauli doonto waddada u dhaxeeysa Muqdisho iyo gobollada dhexe.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed