Faahfaahino kala duwan ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta Koonfur-Galbeed iyo ciidamo taabacsan sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta magaalada Baydhabo, kaasi oo dhaqdhaaqaaqa xarunta gobolka Baay saameyn ku yeeshay.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka billowday koonfurta magaalada, kaddibna uu si tartiib ah ugu fiday gudaha magaalada, iyadoo goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in is-rasaaseyn xooggan laga maqlayay xaafado kala duwan. Muuqaalo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiid kooban oo nuuca mooto Bajaajta, kadibna la maqlayo rasaas si daran doori ah u dhacaysa.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalka uu salka ku hayo muran dhul, halka ilo kala duwan ay sheegayaan in hoobiyeyaal ay ku dhaceen Suuqa ganacsiga ugu weyn Baydhabo, inkasta oo aan cidna xaqiijin.
Dagaalka ayaa si goos-goos ah u socday tan iyo saakay, balse wuxuu sii xoogeystay galinkii dambe kaddib markii ay gurmad heleen ciidamo daacada u ah sida la tilmaamay sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Nishow, kuwaas oo la sheegay inay ka qeyb ka yihiin ciidamada dowladda ee Qeybta 60-aad.
Goobaha uu dagaalku ka dhacay ayaa lagu sheegay xaafadaha Onadka, iyo agagaarka Waddada Sodonka, iyadoo ay jiraan qasaarooyin kala duwan, balse weli aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha, maadaama masuuliyiinta maamulka Koonfur-Galbeed iyo laamaha amniga aysan faahfaahin ka bixin xaaladda.
HBN ONLINE TV

