Ciidamada Xoogga Dalka ayaa weerar ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo dagaal dhex maray ay ka soo uu ka dhashay khasaare Dhimasho iyo Dhaawac.
Inta dagaalka uu socday ayaa la sheegay in Ciidamada Dowladda oo garab ka heliyey kuwa deegaanka ay jirtay duqeyn xagga cirka ah oo lala bartilmaameedsaday Alshabaabka weerarka lagu qaaday.
Sababta weerarka ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay, ka dib markii laga war helay in xubno kooxda ay isku aruursadeen duleedka Ceel-baraf.
Warka soo baxay Ciidamda ayaa lagu “Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya deegaanka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan Alshabaa oo isku aruursanayay duleedka magaalada Ceelbaraf”.
Sidoo kale, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka balse wararka qaar ayaa sheegaya dhimasho iyo dhaawac uu jiro. Weerarka ay Ciidamadu ku qaadeen ayaa la soo sheegayaa in khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-shabaab, iyada oo weli faahfaahin rasmi ah la haynin.
HBN ONLINE TV