Faahfaahinno ka soo baxaysa saraal horey uga mid ahaa ciidamada Somaliland oo meydkiisa laga helay Hargaysa

Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in meydka sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada laga helay hoteel ku yaalla magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Gacan-libaax, kadib markii loo tagay qolkii uu ka deganaa.

Marxuum Axmed Xuseen Caddib oo booliska xog hordhac ah ka baxsheen ayaa la sheegay in lagu arkay jirkiisa hal xabbad oo ku taalla, iyadoo bastooladna ay ag taallay.

“Marxuumka waxa lagu arkay hal xabbad oo ku taalla jidhkiisa, halka bastooladina ay ag taalay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Ciidanka Booliska.

Sidoo kale, Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan baaritaanka kiiskan, taasi oo jawaab looga bixin sida lagu sheegay war saxafaadeedka 48 saac gudahood, waxayna bulshada iyo ehellada marxuumka ka codsadeen in aysan ka hor dhicin natiijada baarista.

Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka iyo guud ahaan Xukuumadda Somaliland.

Waxaa xusid mudan in warbixintii markii hore la soo dhigay barta Facebook-ga ciidamada Somaliland goor dambe laga saaray iyada oo aan la bixin wax faahfaahin ah oo la xiriirta sababaha macluumaadkii la soo bandhigay looga saaray bogga ciidamada.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed