Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay howlgal ka dhacay deegaanka Jowle ay ku dileen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Ciidamada ayaa Howlgalka ay sameeyeen la sheegay in ay ku dileen nin lagu magacaabo Cabdulaahi Siciid Bulxiye oo ahaa amiirki deegaanka Jowle Alshabaab u qaabilsanaa .
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dilka horjoogahaas ay wehliyeen dilka 10 kale oo Howlgalka lagu dilay, kuwaas oo la sheegay in ay ilaalo u ahaayeen.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere Caseyr Ibraahim Mataan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in deegaano badan ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana uu weli socdo howlgalka.
Jowle oo dhacda goob istiraatiiji ah ayaa Xarardheere ku xiriirisa Magaalooyinka Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Howlgalka, iyaga oo kaashanaaya Ciidamada Deegaanka, kuwaas oo muddooyinkii dambe ka socday miyiga deegaanka Jowle ka tiidsan ee gobalka Mudug.
HBN ONLINE TV