Wararka ka imaanaya deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi dib loogala wareegay Alshabaab, kadib dagaallo iyo howlgallo socday saacadihii la soo dhaafay. Waxaa la soo wariyey inay jiraan khasaare culus oo soo gaaray kooxda.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay ayaa sheegay in fariisimo lagu qabsaday dagaal toos ah oo ay la socdeen duqeymo culus oo lagu beegsaday Alshabaab, taasi oo suurta-galisay in kooxda si xoog ah deegaanka looga saaro.
Sidoo kale, dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen dhawaqa jug culus oo duqeyn ah iyo rasaas meel fog ah oo xigtay.
Muuqaallo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada dowladda oo ku sugan meel aaf ah oo kor taagaan ruux meyd ah oo ay ku sheegayaan inuu yahay sida ay hadalka u dhigeen Alshabaab, balse si madax-banaan uma xaqiijin karno.
Xogaha kale ee laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegay in kooxda ay dhowr jeer isku dayeen inay difaacdaan deegaanka Sabiib iyo Caanole oo ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay, balse si xoog ah looga fara-maroojiyey.
Galintii dambe ee shalay ayaa Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in deegaanka lagu dilay xubno Alshabaab horjoogayaal ay ku jiraan, xilli ay ku jireen howlgal adag oo gobolka Shabeellaha Hoose.
Isha ku haay HBN ONLINE TV