Faahfaahinno dheeraad ah ka soo baxaya khasaare ka dhashay howlgal CXD ay ka fuliyeen Shabeellaha dhexe

Faahfaahin kooban oo ka soo baxday Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka fuliyey gobolka Shabeellaha ayaa sheegay in khaasare lagu gaarsiiyey sida warka loo dhigay Alshabaab.

Bayaan ka soo baxay Ciidamada oo lagu daabacay raadiyaha afkooda ku hadla ayaa sheegay in lagu jebiyay sida warka loo dhigay kooxda, ka dib howlgal ay ka dhacay duleedka Tuulada Laba-garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Ciidamda Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa guud ahaan Cagta mariyay goobo ay Alshabaab damacsaneyd inay gabbaad ka dhigtaan” ayaa lagu yiri warka Ciidamada.

Howlagalada ka socda gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dowladda Soomaaliya ku kordhisay duqeymo si gaar todobaadyadii ugu dambeeyey lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Alshabaab iyo Gaadiid badan sida war ka soo baxay lagu cadeeyey.

Dowladda ayaa ku goodisay in howlgallada ka socda dalka ee lagula dagaalmayo kooxda Alshabaab ay u badi ahaan doonto kuwa cirka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed