Faahfaahin: Qarax khasaare rayid geystay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imanaya Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino uu ku qabsaday gaari rakaab ah oo marayay deegaan ka tirsan gobolkaasi, taasoo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga oo ku soo jeeday sida la xaqiijiyey magaalada Muqdisho ayaa siday 15 qof oo rakaab ah, kaasi oo ka soo baxay gobolka Galgaduud. Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gaarigu marayay deegaanka xeebeedka Kud-kudaaley, oo dhaca bariga degmada Runirgood, halkaas oo miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaariga.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah iyo ehelada dadka waxyeelladu soo gaartay, qaraxa ayaa sababay dhimashada 8 qof oo rakaab ahaa, uuna ku jiray darawalkii gaariga, halka 7 qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus. Sawiro lagu baahiyey baraha xariirka dadweynaha ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo saaray gaariga dadku saarnaayeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaas oo ay maleeshiyaadka Alshabaab miinada kula beegsadeen sida ay sheegeen saraakiil ciidan dad shacab ah ee safarka ahaa, kuwaas oo marayay aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad u fidiyay dad shacab ah oo cadowga Khawaarijta ah ay qarax kula beegsadeen aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, xilli gaariga ay la socdeen dadkaan musaafurka ah uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo warbaahinta afkooda ku hadasha baahiyeen.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Muqdisho si loogu helo daryeel caafimaad oo degdeg ah, halka baaritaanno ay socdaan si loo ogaado faahfaahinta dhacdadan iyo cidda ka dambeysay.

Isha ku haay HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed